U bood dhigaalka

Gen. Galaal Oo Goobjoog U Sharaxaya Qodobo Ay Ku Heshiiyeen Galmudug iyo Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo haatan hoggaaminaya wada-hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa Goobjoog News uga warramay qodobo uu sheegay in ay ku heshiiyeen dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu-sunna.

“Mar hore ayuu bilowday wada hadalka, wejiyo badan ayuu soo maray, hadda meel fiican ayuu soo gaaray, waxaa lagu heshiiyay in caasimadda noqoto magaalada Dhuusamareeb, Cadaadana uu baarlamaanka fadhiyo halka Caabud-waaqna garsoorka laga dhigayo” ayuu sheegay Gen. Galaal.

Mar aan weydiiney xilliga uu bilaabanayo wada hadal fool-ka-fool ah waxaa uu ku jawaabay “xilligaasi kuma dhihi karo, laakin waa uu bilaabanayaa, waayo mar haddii la is ogolaaday, waa in la wada hadalo, howlahana la dhameeyo”.

Gen. Maxamed Nuur Galaal waxaan sidoo kale, wax ka weydiinay in dagaalladan  hadda gobolka ka socda ay wada hadallada wax yeeli karaan “Maya, waxba yeeli maayaan,  Dagaal Mareergur iyo kuwoo meelo kale ka socda waxaa Laga Abaabulayaa Xamar, waxaa la doonayaa in heshiiskan lagu waxyeelo, mana dhaceyso, labada dhinac waa ogyihiin”

Ugu Dambeyntii, waxaan Gen. Galaal weydiinay in Ahlus-unna aqoonsan tahay madaxweynaha Galmudug iyo maamulkiisa “Waxaa ay doonayaan in Galmudug qeyb ka noqdaan, waana aqoonsan yihiin madaxweynaha Galmudug, arrintaas meel fiican ayey mareysaa” ayuu ku jawaabay.

Maamulka Galmudug hadda waxaa fadhi u ah Cadaado halka Ahlu sunna ay heysato magaalada Dhuusamareeb iyo magaalooyin kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada