U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo Galabta Ku Madlansan Koonis iyo Wax Weliba oo Ku Saabsan

Sheeko:Dalka

Waxaa galabta garoonka ciyaaraha Eng yariisoow X Koonis ee magaalada Muqdisho, kuwa wada balansan kulan ciyaareed xiisa badan oo u dhaxeeya maamullada Koonfur Galbeed iyo gobalka Banaadir .

kulankan oo ka tirsan tartanka kubadda cabgta maamul gobaleedyada iyo gobalka Banaadir, ayaa qeeyb ka ah sami-finalka tartanka ayaa waxa uu bilaabmi doona 3:30 Pm .

Labada kooxood ayaa waxaa ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ay ugu jiraan tartanka galabta, waxaana garoonka lagu wadaa in ay gaaraan taageerayaasha labada dhinac oo kamid ah kuwa ugu taageraha badan  tartanka.

Ciyaartan oo ah mid xiisa badan ayaa waxa labada maamul ee galabta is wajahaya midkii soo baxa waxa uu u gudbi doona Finalka tartanka oo ay isku dhici doonan maamulka Galmudug  oo shalay iska xaadirisay finalka.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada