U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Burburiyey Dhismayaal Sharci Darro Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa burburiyey dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Jeenyo kaasi oo si sharci darro ah loo dhistay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa  goobjoog ka ahaa goobta ay bur burinta ka socotay waxaa uuna sheegay in dhismahaas uu ahaa mid sharci darro ah.

Waaxda howlaha guud ee Gobolka banaadir ayaa burburisay maanta dhismayaalkan ku yaalay agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Jeenyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u burburiyey dhismayaal si sharci darro loo dhisay iyo kuwo ku yaallo dhulalka ay dowladda leedahay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada