U bood dhigaalka

Gogoshii Shirka Doorashada oo Isku Tuutuur Gashay

Sheeko:Dalka

Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxweeynihii waqtigiisu dhamaaday ayaa markale 15 bishaan shir isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweeynihii hore ee dalka Farmaajo uu shir lagu dhameeystirayo heshiiska arimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu gaaray isugu yeeray madaxda dowlad gobaleedyada iyo maamulka  Gobalka Banaadir , iyadoo shirka la sheegay in lagu qabanayo Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland .

Dhanka kale, Puntland oo arrintaas ka jawaabtey ayaa sheegtay in aan lala socodsiin Arrinta Shirka iyada oo soojeedisay in lagu qabto caasimadda Muqdisho.

Maamulka Puntland ayaa intaa raaciyey in hey’adaha dastuuriga uu waqtigoodu dhamaaday isla markaana loo baahan yahay in shirka Muqdisho lagu casuumo saamileyda siyaasadda iyo beesha caalamka.

Si kastaba Xubnaha saaxiibada Soomaaliya ayaa isniintii, waxaa ay ku baaqeen in shir la isugu yimaado, waxaa ayna hoosta  ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka.

Mawduucyada:Gobollada