U bood dhigaalka

Golaha Deegaanka Gaalkacyo Oo Eedeyn u Jeediyey Duqa Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyey duqa magaaladaasi inuu iska diiday in lala sameeyo la xisaabtan dhanka maaliyadda ah.

Cali Xuseen Cali oo kamid ah golahan ayaa u sheegay Goobjoog News, in tani ay keeni karto cabad ballaaran oo dhanka dowladda Hoose ee Gaalkacyo ah.

Waxa uu tilmaamay in ka gole ahaan ay la hadleen wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug si aysan ugu kadsoomin warbixinno been abuur ah oo uu sheegay in duqa Gaalkacyo gudbiyey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waxaan dooneynay inaan la xisaabtanno Duqa Magaalada Gaalkacyo, hase ahaatee waa uu naga diidey, waxaana uu kasoo horjeestay inaan  la fariisanno oo aan wax ka weydiinno arrimo la xiriira dhaqaalaha magaalada, sidaasi darteed wasaaradda arrimaha gudaha waxaan u sheegnay inaanay dhageysan warbixinno been abuur ah oo looga gubiyo Gaalkacyo” ayuu yiri Cali Xueen.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre, hase ahaatee wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo eedeynta loo jeediyey.

Goobjoog News