U bood dhigaalka

Golaha Guurtida Somaliland Oo Kordhiyey Waqtigii Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

 

Golaha guurtida ee maamulka Somaliland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed, waxay ku go’aamiyeen waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha, golaha wakiilada iyo midda golayaasha deegaanka ee Somaliland.

Waxaa muddo kordhin lagu sameeyey dhammaan muddo xileedkii doorashada, iyadoo bilooyin dheeraad ah lagu daray.

Doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa la go’aamiyey in la qabto 13-ka bisha 12-aad ee sanadkan 2017, waxaana xilligiisu ku ekeyd 28-ka bisha 4-aad ee sanadkaan 2017-ka, waxaana sidaasi loogu daray muddo 8 bil ah.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa iyaguna waxay doorashadooda dhici doontaa 28-ka bisha 4-aad ee 2019, wuxuuna waqtigooda ku ekaa 28-ka bisha 4-aad ee 2017-ka.

Sidoo kale muddo xileedka golayaasha deegaanka ayaa iyaguna looga dhigey ilaa 28-ka bisha 7-aad ee sanadka 2019-ka, wuxuuna muddo xileedkooda ku ekaa 28-ka bisha 11-aad ee 2017-ka.

Waa markii Labaad oo maamulka Siilaanyo waqtiga loo kordhiyo, waxaana kulanka golaha guurtida oo ay soo xaadirtey 75 mudane u codeeyey muddo kordhintaasi 74 mudane, halka uu diidey 1 mudane.

Goobjoog News