U bood dhigaalka

Golaha Guurtida Somaliland oo u muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Sheeko:Dalka

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaana golaha iyaguna ay sameysteen muddo kordhin shan sano ah.

Kulan ay ku yeesheen xarunta magaalada Hargeysa, ayay ugu codeeyeen in mudda xileedka xukuumadda lagu daro laba sano.

Xildhibaannada ayaana gacanta u taagay, waxaana guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland uu sheegay 13-12-2024, ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Somaliland.

Golaha ayaa sidoo kale ayagana ku darsada muddo shan sano oo kororsi ah, waxaana xildhibaannada ay markale u codeeyeen muddo kororsigaas.

Sikastaba xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa la filaya in ay saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aankooda ku aaddan muddo kordhinta.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada