U bood dhigaalka

Golaha Wakiilada Jubbaland oo mudda kordhin u sameeyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Golaha wakiilada baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Kismaayo.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 58 xildhibaan ayaa ajendahiisu uu ahaa sidii wax ka badeel loogu sameyn lahaa qodobada 28-aad iyo 70-aad ee dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland kaas oo dhigaya mudda xileedka xukuumadda iyo aqalka wakiilada in ay yihiin afar sano.

Xildhibaannada ayaa u codeeyay in muddo hal sano ah lagu daro mudda xileedka xukuumadda iyo kan baarlamaanka ee Jubbaland, taas oo ka dhigan in ay noqoneyso shan sano.

55 xildhibaan ayaa cod gacan taag ugu codeeyay in sanad dheeri ah lagu daro mudada xil heynta, waxaana diiday laba xildhibaan oo kulanka joogay, halka uu hal mudane ka aamusay.

Waxaana mudda xileedka madaxweynaha Jubbaland iyo baarlamaanka lagu daray muddo hal sano ah, taas oo ka dhigan in uu dhameysanayo sanad dheeri ah oo loogu daray.

Goobjoog News