Golaha Wasiirada Oo Maanta Ku Shiraya Kismaayo

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ay shirkoodii Todobaalaha ahaa ku yeeshaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu shir guddoomiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay ahayd gaaray magaaladaasi.

Waxaa ku sugan magaalada Kismaayo dhammaan wasiirada xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo aad loo adkeeyay.

Waa markii ugu horreysay ee golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ku shiraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW