U bood dhigaalka

Golaha Wasiirada oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda NISA

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta golaha wasiirada xukuumadda faderaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen hindasa sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Hay’adda NISA ayaa ahayd mid aan sharci lahayn tan iyo markii la aas’aasay 8 January 1970-kii, waxaana intaas ay ku shaqeyneysay amarada ka soo baxa madaxda talada haysa.

Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka, ayaa waxaa haddii ay ansixiyaan baarlamaanka waxa ay noqon doonta mid sharci ah oo kamid noqota ciidamada dowladda ee leh sharciyada.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa noqday mas’uulkii ugu horeyay ee ka shaqeeya sharciyaynta hay’adda NISA.

Dhinaca kale Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha.

Goobjoog News