U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ka Shiray Sicirka Barar Ka Jira Deegaannadaas

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa kulan ku yeeshay magaalada Hargaysa ee caasimadda Somaliland, waxaana kulanka shir guddoominayay madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, waxaana wehlinayay madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray sicir bararka dhowaan siweyn looga dareemay deegaannada kale duwan ee Somaliland, kaas oo saameyn badan ku yeeshay bulshada qeybaheeda, weliba kuwooda danta yar, waxaana aad si weyn loo gurfeeyay sidii wax looga qaban lahaa sicirka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda sicir-bararka ee dalka ka taagan, sababaha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadday ilaa iyo hadda si wax looga qabto cabashada laga muujinayo sicirka.

Korodhka ku yimi qiimaha maciishadda iyo daruuriyaadka kale, ayuu wasiirku mid mid golaha ugu akhriyey, waxana uu caddeeyey in xaaladahaan ay sababta ugu weyn ay tahay dagaalka ka qarxay Ruushka iyo Ukraine, kaas oo sababay in ay istaagaan wixii ay soo dhoofin jireen dibadaha.

Goobjoog News