U bood dhigaalka

Guddi Loo Xilsaaray Kala Reebista Musharxiinta Xisbiga Waddani oo Howshoodii soo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Xog-hayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa sheegay iney in guddigii xisbiga uga xilsaarnayd  soo xulista iyo kala reebista musharaxiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay soo gabo-gabeeyeen howshoodii,  sidaasi darteedna ay hadda musharaxiintii soo hartay ay gaarayaan Afar u tartamaaya jagada madaxweynaja iyo Lix ku xigeenno u tartami doonta.

Xoghaye Uurcade oo la hadlaayey warbaahinta  ayaa waxa u xusay iney ku qaadatay muddo dhan 20 maalmood iyaga oo reebay ugu yaraan 16 xubnood oo buuxin waayey shuruudo ay ka mid ahaayeen inuu ka tirsan yahay golaha dhexe ee xisbiga iyo inaan aqoontoodu gaarsiisneyn heer jaamacadeed.

Maxamed Cabdillaahi Uurcade waxa uu sheegay in  musharaxiinta soo baxday  loogu  codayn doono kala reebistooda shirka golaha dhexe ee xisbiga oo 19 bishan qabsoomi doona  kaasi oo lagu soo reebi doono kaliya Labo musharax oo u tartamaya xisbiga doorashooyinka soo aaddan ee madaxtooyada Somaliland.

Xisbiga Waddani ayaa gudihiisa ka sameeyey isbedel noociisu ku cusub yahay siyaasada Somaliland ka  dib markii uu kala saaray guddoomiye-nimada iyo musharaxnimada oo aanay lahayn xisbiyada UCID iyo Kulmiye oo iyagu la tartamaaya .

Waxaana sidoo kale doodi ka taagan tahay guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga  oo isagu  mar uu warbaahinta la hadlay sheegay inuu ka walaacsanyahay  in xisbiga masuuliyiin ka tirsani ay rabaan iney dibadda u saaraan  inkasta oo hoggaanka kale ee xisbigu uu sheegay in Axmed Muumin Seed oo ah guddoomiye ku xigeenkan  looga baahan yahay inuu ka calaf qaado tartanka  la galayo ee doorashada murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga u tartamaya doorashooyinka madaxtinimada Somaliland.

Goobjoog News