U bood dhigaalka

Guddiga Abaaraha K/galbeed Oo Ka Deyriyey Xaaladda Abaareed Ee Bakool

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha ee K/galbeed oo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay ka warbixiyeen xaaladaha bini’aadannimo ee ka jirto gobolkaasi.

Guddoomiyaha guddigan Madoobe Nuunow Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in degmada Xudur ay kusoo arkeen dad badan oo la liita abaarta, islamarkaana u baahan gurmad degdeg ah.

Degmadaasi ayuu sheegay Madoobe Nuunow iney u tageen oo kaliya sidii ay usoo indho indheyn lahaayeen xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Xudur.

“Waxaan u tagnay degmada Xudur sidii aan usoo indho indheyn lahayn xaaladda abaar ee ka jirta gobolka, waxaan soo kormeernay meello badan oo ay ku noolyihiin barakacayaasha, waxaan tagnay deegaanno kale oo gobolka ah, waxaana halkaasi ka jirta abaar baahsan xaaladuna aad bay u adag tahay, markii aan xaaladda qiimeyno kadib la tashi baan kula laaban doonnaa madaxda K/galbeed” ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Madoobe Nuunow ayaa sidoo kale sheegay in dadka ay kusoo arkeen degmada Xudur ay intooda badan kasoo barakaceen deegaannada ku dhow degmadaasi, islamarkaana dadkaasi ay ka dhammaadeen xoolahooda, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.

Abaar baahsan ayaa ka jirta gobollada dalka, waxaana abaartaasi ay saameysay dadka iyo duunyada, iyadoo gobollada qaar ay dhimasho ka dhacday.

Goobjoog News