Guddiga Baarlamaanka:  Nidaamka matelaadda isu dheelitiran Waa La Diiday Ee Hala Hirgeliyo Nidaamka Aqlabiyadda ah

Guddiga uu golaha shacabka BF u saaray sharciga doorashada ayaa la yimid model cusub oo doorasho iyaga oo meesha ka saaray  hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran, taa badalkeeda keenay  Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Qodobada Xiisaha badan waxaa ka mid ah:

Waxa ay dhamaan dhinacyada kala duwana ee aan la kullanay walwal ka muujiyeen nidaamka doorasho ee ku dhisan ergooyinka ee lagu soo galay doorashooyinkii 2016 ayagoo ku sababeenaya amni darrada jirta inay tiro kooban ahaayeen ayna horseedi karaan musuqmaasuq.

Waxa ay dhinacyada kala duwan intooda badan walaac ka muujiyeen gaar ahaan qaybaha kala duwan ee dowlad goboleedyada in hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran (proportional representation closed list) uusan ahayn mid ku haboon marxaladda dalka marayo uusanna ka hirgeli karin Dalka. Waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen in hanaankan dhalin karo lumitaanka miisaanka awood qaybsiga ee horay ummadda Soomaaliyeed ugu heshiisay, waxay kaloo ay farta ku fiiqeen iney adag tahay qabsoomidda doorasho qof-iyo-cod ah xilligan.

Dhammaan Dowlad Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxay si wadajir ah u sheegeen in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.

Dhinacyada aan la kulanay dhammaantood waxay soo jeediyeen in doorashada qof iyo cod aysan hirgelin karin ayadoon la diyaarin qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhameystirka Dastuurka;
  2. Midnimadda dhammaan dalka oo idil;
  3. Diyaarinta Sharciga Jinsiyadaha;
  4. Muwaadiniinta Soomaaliyeed tirakoob rasmi ah loo sameeyo;
  5. Sugidda xuduudaha degmooyinka iyo gobollada dalka.

Nooca Doorashada ee Guddiga soo-jeediyey:

Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda Nidaamkan Aqlabiyadda hal kii kursi ah (Single-Member Popularity – SMP). Marka loo eego nidaamyada kale waa midka ugu sahlan wuxuuna leeyahay astamahan hoos ku xusan; Halkii kursiba gaarkiis ayaa loogu tartamayaa, Sida magaciisa ka muuqata FPTP. codeynta koowaad ayaana lagu kala baxayaa, Murashixii u codbadan ayaa kursiga ku guuleysanaya. Codbixiyuhu hal murashax ayuu ka dooranayaa liistada Murashaxiinta ee kursiga. In la xaqiijiyo dheellitiranka saamiqaybsiga. matalaadda Bulshada ee golayaasha Baarlamaanka; In ay dhacdo doorasho ku salaysan xisbiyo. In dadwaynaha deegaanka degan ay u siman yihiin u codeynta murashaxiinta. In codbixiyayaasha wax dooranayaa ka iman karaan deegaanka goobta doorashada ee heer gobol ama dawlad goboleed ah.

Goobjoog News

Related Articles

19 Comments

  1. Nabar iyo Naxdin waxay rabaan wax cusub inay maqmaluuqaan oo ay iyagu ku
    soo bixi karaan. Taa xataa caqli ahaan uma suureyn karaan, oo awooddii maskaxeed baan inta gaarsiisneyn. Khiyaanadaba soo hindisid bay u baahan tahay oo waa in horta maanka laga suureeyaa. Haddiise ay maskaxdu maran tahay, ma dejin katid
    qorshe dhagareed oo dheellitiran.
    Nabar iyo Naxdin waxay gartaan oo keliya inay Kenya u loogaan baddii Soomaaliyed
    uu shidaalku caagago. Maxaayeelay Kenya iyadaa dejineysa maabka iyo khiddada khiyaanada. Faqashta Reer Nabar iyo Naxdin wax qorshe ama fikir ah loogama baahna markaas oo kale. Uhuru Kenyatta ayaa hawshaas qabanaya. Nabar iyo Naxdin waxaa keliya looga baahan yahay in aysan ka horimaan khiddada iyo qorshaha Kenya. Taas ayeyna maanta dhex maquurayaan Farmaajo iyo faasuqiinta ku gadaaman. Farmaajo intuu safarkiisii uugu dambeeyay Nairobi ku soo saxiixay baddii Soomaaliyeed buu haddana shibtiisa iska galay. Barlamaanki la xisaabtami lahaana irbaddii hurdada ayaa badankood lagu muday oo waxay noqdeen wasiirro iyo wasiir-ku-xigeenno saddex lagu qabo.
    BADII SOOMAALIYEEDNA WAA SII SALAG LEEDAHAY.

    REER NABAR IYO NAXDIN BAD WAA SAXIIXI KARAAN OO TAASI QORSHE IYO KHIDDAD UMA BAAHNA, LAAKIIN MA DEJIN KARAAN MAAB AY KU XADAAN DOORASHADA SOO SOCOTA OO TAASI AWOOD MASKAXEED BAY U BAAHAN TAHAY.

  2. Propecia Mercado Libre Buy Tadacip 20 [url=http://cialibuy.com]Cialis[/url] Zithromax Iv In Children Can Amoxicillin 500mg Clear Up Gonorrhea Acquisto Viagra In Italia Farmaco

  3. readily report online viagra strange importance generic viagra
    sales too physics sale generic viagra online pills originally
    permission [url=http://viacheapusa.com/#]cheap viagra usa without prescription[/url] probably lead cheap viagra usa without
    prescription especially message http://viacheapusa.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW