U bood dhigaalka

Guddiga Culimada Ee Gurmadka Abaaraha Puntland Oo Lagu Dhawaaqay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa ku dhawaaqay guddiga culimada ee gurmadka abaaraha deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Gudigaan oo ka kooban 14 Culimo ah ayaa waxaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac waxaana ay ka shaqayn doonaan gurmadka abaaraha ka jira deegaannada Miyiga ah ee goballada Puntland.

Saalax ayaa sheegay in ay soo noq noqdeen abaaraha ka jira deegaannada Puntland, sidaa darteedna ay keentay inay magacaabaan guddigani.

Deegaanno dhowr ah oo kamid ah  meelaha uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka jira abaaro daran oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas ayaa horay uga dalbaday shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ah in gurmad degdeg ah ay la gaaraan dadka abaartu ku hayso deegaannada uu maamulkiisa ka taliyo.

Goobjoog News