U bood dhigaalka

Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta Somaliland oo Digniin U Diray Garabyada Is Haya ee Xisbiga Ucid

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga Diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta  Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale) oo saxaafadda la hadlay ayaa digniin u diray garabyada is khilaafsan ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid.

Guddoomiye Ciyaale waxa uu ka digay shirarka gaar gaarka ah ee garabyada is khilaafsan ee xisbigu mid kastaa uu si gaar ah ugu dhawaaqay, waxaanuu yiri:

“Guddiga diiwaangelnta waxay fareysaa labada dhinac ee xisbiga iney joojiyaan shirarka labada dhinac ku kala dhawaaqeen oo aan waafaqsaneyn sharciyadda, waxaana la qaban karaa oo kaliya shirkii ku xusnaa qaraarkii maxkamadda sare inta aaney dhamaan mudadii 60 cisho ahayd ee ay cayintay, sidaa darteed waa in labada garabba u diyaargaroobaan oo ay u hoggaan samaan awaamiirta guddiga”.

Waxa uu ka warramay oo uu xusay oo uu xasuusiyay shaqada guddiga diiwaangelintu uu qabto,”Guddigu waxay xisbiyada ku dhaqdaa ku ilaalisaa shuruucda qaranka iyo kuwa ay dhigteen, markaa qaraarka maxkamadda sare ka soo baxay waxa uu u dhigmaa oo uu la mid yahay sharci, sidaa darteed waxaanu leenahay ha la dhowro shuruucda qaranka, hana lagu ekaado waxa uu sharcigu idiin banneeyay shirkaa maxkamadda sare qaraarkeeda ku jira ee ah shirweyne aan caadi ahayn oo ku xusnaa heshiiskii labada garab waxaan ahayn oo la qaban karaa ma jirto oo lagu baaqi karaa”.

Guddoomiyaha xisbiga Ucud  Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu garabkiisu dhaqan gelin doono go’aanka maxkamadda sare ee qabashada shirka aan caadiga ahayn ee golaha dhexe ee xisbiga isagoo tilmaamay in guddiga diiwaangelinta Axsaabta aaney kaalin uga furneyn, maadama ay maxkamaddii sare go’aankeedii uu meesha yaallo.

Dhinaca kale, garabka uu hoggaamiyo musharax xisbiga Ucid ee Jamaal Cali Xuseen oo uu u hadlay Cali Maxamed Yusuf “Cali Guray”, ayaa sheegay in garabkoodu uu soo dhaweynayo go’aanka guddiga diiwaangelinta isagoo sheegay in shirarka ay garabyadooda is hayaa sida gooni goonida ah u kala qabsanayaan uu sharci darro yahay.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa 25.09.2016 go’aan ku gaartay in garabyada kala duwan ee is haya ee xisbiga Ucid ay qabsadaan shir si wadajir ah ay u maamulaan oo xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka ragaadiyay ee xisbiga.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada