U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Somaliland Oo Sanaadiiqda Oo Dhameystiran La Wareegi-doona 24ka Saac Ee Soo Socda

Sheeko:Dalka, War

Afhayeenka guddiga doorashooyiinka Soomaliland Saciid Cali Muuse ayaa sheegay in gollabada jidka ku soo jiraan, Jimcahana la soo gabagabeyn-doono.

Saciid Cali Muus waxaa uu intaasi ku daray Sanaag, Sool iyo Saaxil ay soo socdaan halka Togdheer iyo Awdal la filayo in berri soo dhammaadaan, waxaa kale uu ka hadlay gobolka Maroodi-jeex in uu ka tiro iyo dhib badan yahay gobollada kale.

Gobolka Maroodi-jeex waxaa uu ka hadlay in ay soo xaroodeen Balli-gubadle iyo Salaxley, waxaa dhiman Gabiley iyo Hageisa.

Dhinaca kale, Korjoogayaasha caalamiga ah ayaa warbixin kale kasoo saaray doorashada Somaliland iyagona sheegay in doorashadu u dhacday si nabad-galyo ah oo wanaagsan isla markaana aanay arkin wax wax u dhimaya guud ahaanba nidaamka doorashada.

Sidoo kale, waxay sheegeen korjoogayaasha caalmiga ah in ay jireen walaacyo ay kamid yihiin xannibaada baraha  Bulshada

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada