U bood dhigaalka

Somaliland Oo Laga Billaabayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo kaashanaya xisbiyada mucaaradka iyo maamulka iminka talada haya ayaa ku dhawaaqay xilliga sida rasmiga ah loo billaabi doono diiwaan gelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.

C/qaadir Iimaan Warsame oo ah gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka loo billaabi doono diiwaan gelinta iyo sida ay ku kala horeynayaan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay in ay billaabmi doonto 16-ka bishaan aynu ku jirno islamarkaana ay ka billaabmi doonto gobalka Togdheer.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gobalka Todgdheer diiwaan gelinta dadkiisu ay socon doonto 28 maalin oo xiriir ah, ayna ku xigi doonaan goballada kale ee maamulkaasi, uguna dambeyn doono diiwaan gelinta gobalka Sool.

Dhinaca kale mas’uuliyiintii matalaysay xisbiyada ka jira Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka in ay u diyaar garoobaan diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada