U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka: %57 ka Tirsan Codbixiyeyaasha Somaliland oo ay Abaaruhu Si Xoog leh Usaameeyeen

Sheeko:Dalka

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay in guddiga doorashooyinku u sheegeen in %57abaar ba’ani hayso kana barakaceen deegaannadoodii.

Cabdinaasir Qodax oo la hadlay saxaafadda ka dib kulan ay maanta isku hor fariisteen Axsaabta siyaasadda Somaliland iyo guddiga doorashooyinka maamulka ayaa waxaa ay guddigu soo bandhigeen ayuu yiri; saameynta taban ee ay abaaruhu ku yeelanayaan qabsoomiyadda doorashooyinka Somaliland.

cabdinaasir-yuusuf-cismaan-qodax

“Komishinku waxa ay soo bandhigeen warbixin dheer oo taabaneysa halka ay wax u marayaan, waxay noo sheegeen iney hadda ku jiraan daabacaaddii Kaadhadhka isla markaa ay u harsan tahay un daabacaaddii Kaadhadhka, sidoo kalena ay u diyaar garoobeen doorashada, waxay soo bandhigeen xaalad adag oo runtii taabaneysa dadkii is diiwaangeliyay”.

“Duruufta adag ee aan arkaynno ee 6-gobolba ka jirta ee abaarta ah in ay runtii Assessment ay ku soo sameeyeen goobihii 1123 goobood ka tirsan oo ay goob walba tageen ay soo ogaadeen dad kaadhadhka ka qaatay ee ama is diiwaangeliyay badan koodii inaaney joogin”.

“Waxay noo sheegeen %57 dadkii is diiwaangeliyay iney abaar ba’ani ku dhacday, %17 ka mid ahina iney abaartu hayso laakiin abaar dhexe hayso oo abaartii ay saameysay, gobolka Sool iyo gobolka Sanaag %69 dadkii iska diiwaangeliyay ay hayaameen, goblka Sanaag %67 ay hayaameen, gobolka Mareedi-Jeex oo gobolka ugu codka badan ah in %57 ay saameysay abaartu”.

Qodax oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa rajo xumo ka muujiyay in doorasho ay Somaliland ka dhaci karto xaaladda adag ee abaraaha ee halkaa ka jirta awgeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada