U bood dhigaalka

Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne oo Lagu Wareejiyey Lacag Gaareyso $1,140,000

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabad uu ku qabtay magaalada Beledweyne ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne lacagtii loogu talo galay fatahaadda Beledweyne ee ka kala yimid Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jibuuti,

Munaasabadda uu Madaxweynaha Hirshabeelle ku wareejinayay lacagta ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowlad goboleedka Hirshabelle, qeybaha kale duwan ee Bulshada Beledweyne oo ay hormuud u ahaayeen dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay lacagta maanta guddiga lagu wareejiyey  $ 600,000 – ka timid Dowlada Jabuuti halka dowladda federaalka ay bixisay  $ 500,000  iyo  $ 40,000 – ka timid Gudiga Fatahaada ee heer Qaran ee lamacaabay Isugeyn Guud lacagtaas ayaa noqotay  $1,140,000*  (Hal malyan Boqol iyo Afartan  kun USD). 

Goobjoog News