U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmdug Oo Musuq Lagu Eedeeyay

Sheeko:Dalka

Kulan ay yeesheen maamulka iyo  odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gallinsoor ee gobolka Galgaduud  ayaa waxay eedeyn u jeediyeen madaxda guddiga gurmadka abaaraha ee Galmudug waxayna sheegeen in qeybtii uu deegaanka kulahaa lacagaha abaaraha la musuqay islamarkaana tan iyo markii uu bilowday gargaarka aan waxba la gaarsiinin bulshada ku dhaqan  deegaanka Galinsoor.

Guddoomiyaha Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed, oo ka hadlay kulanka ayaa  waxa uu sheegay in aysan helin lacagaha gurmadka abaaraha ee la siiyo degaannada kale ee Galmudug isagoo arrintaasi ku eedeeyay musuqmaasuq.

“Waxaan halkaani ka caddeynayaa anigoo ah gudoomiyaha degmada Gallinsoor in lacagtii abaaraha ee loogu talo galay maamul goboleedka Galmudug qeybtii ay kula heyd degmada Gallinsoor in aysan soo gaarin”

Suldaan Maxamuud Ereg oo kamid ah odoyaasha deegaanka Gelinsoor ayaa dowladda Soomaaliya iyo madaxda sare ee Galmudug ka codsaday in ay helaan qeybta ay ku leeyihiin gargaarka si loogu taakuleeyo bulshada ku dhibaateysan deegaankaasi iyo deegaannada hoos  yimaada .

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Galmudug in xaquuqdii Gelinsoor ay lahaayeen meel lagu sheego, xaq ayaan leenahay, reer Galmuugna waan nahay, mana yeeleyno in qeybteenna nala duudsiiyo”

Hadalkaani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli deegaanka Gallinsoor ay wali ka jiraan abaaro iyo macluul iyada oo dadka deegaanka ay u baahanyihiin kaalmooyin degdeg ah.

Goobjoog News