U bood dhigaalka

Guddiga Gurmadka Fatahaada Oo 100 Kun Doolar Wax Ugu Qabanaya Dadka Ka Barakacay Baardheere

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka qaran ee Fatahaada oo shalay gaaray degmada Bardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto degmadaasi iyo nawaaxigeeda, kadib markii uu kusoo fatahay Wabiga Jubba.

Guddomiyaha guddiga Mahdi Maxamed ayaa la kulmay maamulka gobolka Gedo iyo qaar ka mid  ah bulshada Baardheere si uu usii xog wareysto.

Mahdi ayaa sheegay in gurmadka fatahaadaha ee Baardheere kaga qeybqaadanayaa 100 Kun oo doolarka Maraykanka ah, isaga oo dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalin ka qaataan u gurmashada dadka ay asiibtay fatahaadda.

Wabiyada Jubba iyo Shabelle ayaa ku fatahay qaar ka mid ah deegaannada ay dalka ka maraan, iyadoo qoysas badan ka barakaceen deegaanadaasi.

Goobjoog News