U bood dhigaalka

Guddomiye Adan Madoobe oo la kulmay laamaha Ammaanka Xudur

Sheeko:Dalka

Guddoomuyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay laammaha ammaanka magaalada Xudur.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 60-aad guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kala hadlay saraakiisha sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Goobjoog News