U bood dhigaalka

Guddomiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddi farsamo magacaabay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeyo hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

War ka soo baxay xafiiska guddomiyaha ayaa lagu sheegay in guddigaan oo ka kooban todoba xubnood ay ka shaqeynayaan fududeeynta hawlaha shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay si degdeg ah u soo gabagabeyan hawsha loo igmaday.