U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Cusub Ee Hiiraan Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaal Beeleedyada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim oo maanta gaaray magaalada B/weyne ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamaya deegaanno kamid ah gobolkaasi in nabadda qaataan oo ay dagaalka joojiyaan.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in wax laga xumaado ay tahay colaadda sokeeye, isaga oo tilmaamay in shacabka Hiiraan looga baahan yahay iney kaalin ka qaataan nabadda iyo kala dambeynta gobolka.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha ku dagaallamaya Banyaaley iney joojiyaan dagaalka oo wax walbo lagu dhammeeyo miiska wada hadalka, waxaan rabnaa in colaad ay ka dhammaato gobolkaan, nabaddana ay noqoto wax Koowaad ee aynu ka shaqeyneyno” ayuu yiri guddoomiyaha Hiiraan.

Dhanka kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in maamulkiisan uu ka shaqeyn doono hormarka iyo sidoo kale nabadda, dhexdana ay u xiran doonaan dib u heshiisiinta reer Hiiraan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xilli deegaanno kamid ah gobolkaasi ay ka socdaan dagaal beeleedyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News