U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaan Boorow

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo kamid ahaa mudanayaasha golaha shacabka.

Xildhibaan Boorow ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana uu kamid ahaa xildhibaannada baarlamaanka ka soo galay maamulka Koonfur galbeed.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa murugada geerida xildhibaanka la qaybsaday ehelada iyo umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow,” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

September sanadkii 2018 ayay ahayd markii xildhibaan Booroow uu dhaawac uu ku waayay mid kamid ah gacmihiisa uu ka soo gaaray qarax lala beegsaday.

Goobjoog News