U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Fatahadda Baladweyne

Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyey Shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo kaas oo looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Kulankaan oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay shirkaan Xaaladda Fatahaada Baladweyn,sida dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka.
Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas madaama uu booqasho dhoor maalin ka qaadatay ku tagay Baladweyne .
SoDMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Baladweyn iyo deeganada ku xeeran.
Goobjoog News