U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Oo Rugaha Ganacsi Ee Ka Jira Dalka Ugu Baaqay Iney Midoobaan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee maamulka Jubbaland Shariif Raabi Kaahin oo la hadlay Goobjoog News ayaa ugu baaqay dhammaan rugaha ganacsiga ee ka jira dalka inay midoobaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in isku duubnida iyo wada-shaqeynta rugaha ganacsi ee dalka ka jira ay keeno doonto kobcinta dhaqaalaha waddanka iyo inuu horumaro ganacsiga.

“Isku tashiga iyo isku tiirsanaanta waxay kordhinaysaa Soomaalinimada, dhaqaalaha Soomaaliya oo awal hore u liitay kor ayay u soo qaadeysaa, dhinaca shaqo abuurka iyo dhanka kobcinta dhaqaalaha waxay ka qaadanayaan kaalin weyn”.

Shaafi Raabi Kaahin ayaa faaidooyinka midowga rugaha ganacsi kusoo koobay qodobadan hoose.

  1. Isku-duubnaan, wada-tashi iyo Soomaalinimo ayey soo kordhineysaa.
  2. Dhaqaalaha liita ee Soomaaliyay ayey kor usoo qaadeysaa.
  3. Haddii awoodaha la mideeyo shaqo abuur badan ayey keeneysaa.
  4. Hormarada ganacsi ee dalkana hal mar ayuu isla-jaanqaadi lahaa.

Rugta Ganacsiga Jubbaland ayaa kamid ah rugaha ganacsi ee dalka ka jira, waxaana dhammaantood ay wada shaqeyn la leeyihiin Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada