U bood dhigaalka

Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Finland oo khadka taleefoonka kuwada hadlay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

Labada guddoomiye ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada baarlamaan iyo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dalka.

“Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha”ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka.
Soomaaliya iyo Finland ayaa leh xiriir wadashaqeyne oo mudda dheer soo jiray, waxaana ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya garab taagan.
Goobjoog News