U bood dhigaalka

Guddoomiye Cismaan Barre Muxuu Ka Yiri Xil Ka Qaadistii La Sheegay In Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay xil ka qaadis ay habeenkii xalay ahaa sheegeen iney ku sameeyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in waxyaabahaasi uu ka arkay baraha Bulshada, islamarkaana aanay jirin xildhibaanno ku kulmay magaalada Jowhar, waliba iyadoo habeen ah.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in isaga uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle, islamarkaana uu ku sugan yahay magaalada Jowhar, aysan jirinna kulan uu baarlamaanka lahaa.

Sidoo kale guddoomiye cosoble waxa uu tilmaamay in maanta oo Arbaco ah ay sii guda geli doonaan howlaha shaqo ee horyaalla baarlamaankooda, islamarkaana ay diyaarin doonaan guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

“Waxaas aniga waxaan ku arkay baraha bulshada, ma ahan wax jira aniga ayaa ku sugan Jowhar, midda kale xildhibaanno kulmay malahan, waa arrin la doonayo in lagu qalqal geliyo reer Hirshabelle” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa jira khilaafkii ugu xooganaa ee soo kala dhexgala maamulka Hirshabelle, waxaana ay ka dhalatay kadib markii xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ay xilka ka qaadeen madaxweynahoodii.

Goobjoog News