U bood dhigaalka

Guddoomiye Cismaan “Doorashada Hirshabelle Waqtigeeda Ayeey Ku Dhici”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle, Cismaan Barre Maxamed, ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay waqtigeeda ku dhici doonto.

Guddoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog, ayaa sheegay in guddiga  uu magacaabay ay howlahooda sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku billaabi doonaan.

“Doorashada waxay ku dhici doontaa waqtigii lagu balamay, waxaan diyaar u nahay inaan mar walbo adkeenno waqtiga, waajibka na saaran ayaaba ah in wax walbo sidooda ay ku dhacaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiye Cismaan ayaa dhanka kale waxa uu ka jawaabay hadalkii Cali Cosoble ee ahaa in Hiiraan uu ku shaqeyn doono, wuxuuna sheegay in qadarin ay u hayaan madaxweynihii hore islamarkaana aynaan jiri doonin cid qabsan karta meel ka tirsan Hirshabeelle.

“Annaga cosoble qadarin ayaan u haynaa, waa madaxweynihii hore, laakiinse xil aan ku ognahay ma jirto, wuu is soo sharixi karaa haddii uu doono, laakiinse waxaan idiin sheegayaa in marnaba aysan macquul noqon doonin inuu sheegto madaxweyne walibana yiraahdo meel hebel baan ku talinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa weli ku adekeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Hirshabelle.

Goobjoog News