U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Baaq Ka Direy Abaaraha

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in bulshada ku nool gobollada Mudug iyo Galgaduud oo baadi ah xoolo dhaqato ay si weyn u aafeysay abaarta dalka ka jirta.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka oo saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado sheegay in dadka ay qarka u saaran yihiin iney u geeriyoodaan baahi iyo harraad, waxaana uu ku baaqay in dadkaasi loo gurmado.

Ka baarlamaan ahaan ayuu sheegay iney gurmadka dadkaasi uga qeybqaadan doonaan wixii ay awoodaan, waxaana uu hay’adaha Samofalka ah ugu baaqey in dhankooda ay gurmadka kaalin xooggan ka qaataan.

“Shacabka Labadan gobol deggan ma ahan kuwo ku nool beero, waxay ku noolyihiin xoolo, waa noole noole ku nool, haddii uu baahi u dhinto noolihii lagu noolaa, haddee noolihii kale isna wuu dhiman, waxaan ugu baaqayaa hay’adaha samofalka ah iney isha ku hayaan Labadaan gobol ee abaarta ku habsatay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale guddoomiye Xareed ayaa sheegay in dhowaan uu furmi doono kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka Galmudug, islamarkaana waxyaabaha ugu horreeya ee laga hadli doono ay tahay abaaraha dalka ka jira, gaar ahaan deegaannada Galmudug.,

Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa inta badan ka jirta deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Soomaaliya.

Goobjoog News