U bood dhigaalka

Guddoomiye Ku Xigeenkii Jalalaqsi Oo Ka Horyimid Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

Sheeko:Dalka

Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Jalalaqsi Xuseen Sheekh Qaasim ayaa sheegay in waddo aan sharci ahayn loo soo maray xil ka qaadis lagu sameeyey.

Xuseen oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in Facebook ay ku arkeen warqaddii xilka looga qaaday.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in maamulkooda aanay muddo qaadan wax lacag ah islamarkaana howlaha maamulka ay deyn ku wadeyn, lacagihiina iyaga loo haysto.

“in xilka nala qaaday waxaan ku maqalnay Facebook oo kaliya, si sharci ah maloo soo marin, midda kale annaga deyn badan baa nalagu leeyahay oo howlaha maamulka ku wadnay, markii Facebook laga arkay in xilalka nalaga qaaday magaaladii oo dhan baa lacagteeda rabta” ayuu yiri Xuseen.

Maamulka Hirshabelle ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyahii maamulka degmada Jalalaqsi iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhanka amniga iyo siyaasadda.

Goobjoog News