U bood dhigaalka

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay guddi cusub oo la soo magacaabay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan la qaatay guddi ay soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa ka shaqeynaya sidii xal loogu heli lahaa dhinacyada isdiidan ee isku haya xukunka dowlad gobaleedka Koonf Galbeed.

Xubnahaan ayaa ka soo tala bixin doona xaaladda taagan, iyaga oo markaas kadib ku soo celin doonaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Goobjoog News