U bood dhigaalka

Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo Isu Gacan Qaaday

Sheeko:Dalka

Kulan uu lahaa aqalka wakiilada Somaliland ayaa ku dhamaaday buuq iyo daqaal gacan-ka-hadal ah kadib markii ay isku gacan qaadeen guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Cirro iyo Ku xigeenkiisa Muuse Baashe.

Arrintani ayaa waxa ay ka dambeysey kadib marki golaha 38 xildhibaan ay keeneen mooshin ay dib ugu soo celinayaan mid uu horey golaha u diidey oo ku saabsanaa haamaha shidaalka dekada Berbera oo shirkad gaar loo leeyahay la doonayay in lagu wareejiyo.

Guddoomiye Cirro ayaa madasha ka sheegey in mooshinkani aanu hawshiisa hadda la gali karin maadaamaa horey golaha go’aan uga qaatay, balse guddoomiye ku xigeenka ayaa ku doodey in ay tahay in cod la galiyo mooshinka.

Tani waxa ay keentey in ay makarafoonka isku qabsadaan labada mas’uul, kadib isku gacan qaadaan iyada oo ay saxaafadda duubeyso.

Waxaa soo baxay sawirro muujinaya guddoomiyaha dusha kaga yimid ku xigeenkiisa oo gacanmaha ka haya, marka dharbaaxaya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hadlay ayaa yiri “Waa in sharciga iyo hoggaanka loo hogaansamaa, golahani waxa uu leeyahay hal guddoomiye, mana ahan in labo guddoomiye ay wada guddoomiyaan, haddii kale waxaa la arkayaa in dalkana uu labo madaxweyne yeesho”

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti qeybsanaa wixii meesha ka dhacay, waxaana ka id ah Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo yiri ”Maanta ayaa Cabdiraxmaan Cirro loo aqoonsaday madaxwayne, mar haddii sifo sharciga waafaqsan u ku difaacay mooshinkii la doonayay in Golaha ay muquunin ku jiidhsiiyaan xildhibaanada xisbiga Kulmiye”.

Xildhibaano kale oo hadlay ayaa iyagu qaba in guddoomiyaha uu ka talaabay sharciga, diideyna mooshin sharci ah oo golaha la horgeeyey.

Goobjoog News