U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa la sheegay inuu ka badbaaday isku day dil, ka dib markii jidka loo galay kolonyo galbineysay gudoomiyaha.

Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Shiino oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in kolonyada gaadiidka ah ee galbinaya gudoomiyaha lagu weerary gaari Ismiidaamin ah iyo sidoo kale weerar toos ah.

Waxa uu sheegay in weerarkaan lagu qaarajin lahaa gudoomiyaha ay kula kulmeen deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buulo-mareer, halkaasi oo uu sheegay in lgu diyaariyay Gaari Suzuki ah, laakiinse ay rasaas ku qarxiyeen gaarigaasi ciidanka Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM oo gudoomiyaha dhanka degmada Baraawe u waday.

“Nimankii nabadda diidanaa ayaa waxay maleegeen fitno ay la rabeen inay ku qarajiyaan gudoomiyaha degmada Baraawe, laakiinse ma aanay u suurta gelin sidii ay rabeen, deegaanka Golweyn waxay ku diyaariyeen gaari Suzuki ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ciidanka AMISOM iyo kuwa NISA ayaa amniga gudoomiyaha iyo xubnaha la socday waday, gaariga wuu nagu soo cararay waxaa fashiliyay ciidanka NISA oo risaas ku furay kadibna gaariga wuu is qarxiyay, waxaa xigtay rasaas ay nagu soo fureen Maleeshiyaadkii kale, waan iska caabinnay waxaa ka dhimatay Seddex qof, kuwii kalena wey carareen, annagane waxaa naga dhaawacmay 1 qof, midda kale gaariga qarxay wax dhibaato ah ma geysan in uu gaadiidka qaarkood muraayadaha ka dumiyay mooyee” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobalka Shabellaha Hoose.

Kolonyadaan la weeraray ayaa ka baxay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, iyaga oo ugu dambeyn gaaray degmada Baraawe oo ay ku wajahnaayeen.

Goobjoog News