U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Oo Ka Hadlay Mas’uuliyiin Iyo Shacab Loo Diiday Inay Galaan Garoonka Baladweyne

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo dib ugu laabtay magaalada Baladweyne ayaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka iyo dad shacab ah oo ciidamada AMISOM u diideen in ay garoonka Baladweyne galaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu arrintaasi aad uga xunyahay, islamarkaana yahay qalad weyn oo dhacay, maadaama dad reer Hiiraan ah loo diiday garoonkooda, ayna ka wada hadli doonaan saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee halkaasi ku sugan.

“Waa Arrin qalad weyn ah oo dhacday in garoonka loo diido dad soo dhaweysanaya mas’uuliyiintooda, shacabka reer Baladweyne iyaga ayaa dhistay garoonkooda, waana arrin laga wada hadli doono” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiye Cabdifitaax ayaa soo hadal qaaday xaaladda adag  ee dhanka nolosha ah islamarkaana ka taagan degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan, waxaana uu sheegay in degdeg wax looga qaban doono arimahaasi.

“Waxaan aad uga xumahay xaaladda adag ee ka taagan Buuloburde iyo nimankaasi sharwadayaasha ah ku sameeyeen ciqaabta dadka shacabka ah, waxaa la rabaa in anaga, dowladda Soomaaliya iyo AMISOM in aan xalka arrintaasi keenno, tabarta ayaa iska yar, laakiinse waxaan rajeyneynaa in tabar noo kaalmeyso helno” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha.

Ugu dambeen Gudoomiye Afrax ayaa ka tacsiyeeyay Nabadoonkii dhawaan lagu dilay magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in ay jiraan dad loo hayo  dilkaasi, islamarkaana isbedal uu dhici doono.

Goobjoog News