U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan “Todobaadkaan Ayuu Furmayaa Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in magaalada Baladweyne uu ka furmayo Todobaadkaan gudahiisa shirka maamul u sameynta gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay arintaasi ka wada hadleen, islamarkaana maalmaha soo aadan uu madaxweynaha halkaasi tagi doono.

Hadalkaan ayuu Mr Afrax ka hor sheegay boqolaal shacab ah oo ku sugan magaalada Baladweyne, isaga oo tilmaamay in mar hadii shir heshiis ah la qabtay in la guda gelayo arrinta maamul u sameynta.

“Shirka waa la bilaabayaa, halkaan Baladweyne ah ayaa laga bilaabayaa, waliba waxa uu bilaabanayaa Todobaadkaan gudahiisa, madaxweynaha ayaana imaan doona” ayuu yiri Gudoomiyaha

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka gobalka Hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada Baladweyne in ay kaalin ka qaataan dhisamaha maamulkaan iyo xasilinta amniga magaalada.

Goobjoog News