U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Bisha cas Turkiga 

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud macalin Cabdulle oo maalmahan safar shaqo ku joogo dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay madaxdada ugu sareyso ee Bisha Cas ee dalka Turkiga

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ay Bisha Cas Turkiga ku leedahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa waxaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Mudane Alper Kucuk oo ah Agaasimaha guud arrimaha caalamiga ee Bisha cas Turkiga

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane maxamuud macalin cabdulle ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta sareysa ee loo sameeyay asiga wafdigiisa maalmaha ay joogeen dalka Turkiga waxaa sidoo kale kaga mahadceliyay Guud ahaan shacabka Turkiga iyo gaar ahaan Bisha Cas garab istaaga shacabka Soomaaliyeed Marxaladahii adkaa,

Mudane Alper Kucuk Agaasimaha guud ee arrimaha caalamiga Bisha cas Turkiga Ayaa u sheegay Wafdiga Hay’adda Maareynta musiibooyinka in ay Bisha cas Turkiga diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeeyso, asigoo u balan qaaday in ay ka tageeri doonaan arrimaha gurmadka deg deg oo ay Bisha cas Turkiga khibrad dheer u leedahay

Wafdiga Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Hay’adda Mudane Maxamuud macalin ayaa ku sugan dalka Turkiga oo ay casuumaad rasmi ka haleen waxaa ayna la kulmi doonaan guud ahaan Hay’adda Turkiga ee ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada.

Goobjoog News