U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Hiiraan “Xeradii Daraawiishta Goob Dan Guud Ah Baa Loo Bedalayaa”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo kormeer ku tagay xeradii ciidamada Daraawiishta ee magaalada B/weyne oo dood badan ka taagneed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxa ay ka doonayaa xeradaasi iyo waxa ka jira in xubno isagu ka mid yahay ay sii iibinayaan.

Waxa uu sheegay marka hore in Xeradaasi bedalkeeda ay taliska Booliiska Soomaaliyeed ku wareejiyeen dhul kale oo aad u weyn, islamarkaana iyagu ay damacsan yihiin in meeshii Xerada ahayd laga dhigo xarumo bulshada loogu adeego.

Howshaan uu ka wada magaalada B/weyne iyo arrimaha la xiriira xerada Daraawiishta ayuu sheegay in ay wax ka ogyihiin madaxda sare ee dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Meeshaan ma noqon karto meel ciidan lagu tababaro, mana noqoneyso, anaa mas’uul ka ah shacabka Hiiraan oo la’igala xisaabtamayaa, waxaan ka dhigeynaa meel danta guud loogu adeego, hadda waxaa ku yaalla Iskuul ay dhigtaan 2,500 oo arday, wax ka wanaagsan miyaa jira, inaan sii maalgelinno ayaan rabnaa, waxaan dhisnay garoon ciyaareed aad u weyn, sidoo kale waxaan ka dhiseynaa halkaan suuqyo waaweyn sida Kawaan, bakhaaro iyo dukaamo” ayuu yiri Gudoomiye Afrax.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada B/weyne ayaa ka digay in la iibsado dhulka xeradii Daraawiishta, xilli gudoomiye Afrax uu isna sheegayo in shacabka loogu adeegi doono.

Goobjoog News