U bood dhigaalka

Gudoomiyihii Degmada Baardheere Oo Xilka Laga Qaaday

Sheeko:Dalka

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Baardheere ee gobolka Gedo C/laahi Nuur Xasan Cadow .

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u magacaabay guddoomiyayaha degmada Baardhere Macallin Xuseen C/laahi oo ahaa madaxaha arrimaha bulshada degmada Baardheere kaasi oo xilka si ku meel gaar ah u sii heyn doono.

Wareegtada shaqa joojinta ayaa lagu sheegay in la fulinayo amarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe kaasi oo armay in guddoomiyaha degmada Baardheere la eryo.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland xil ka qaadis ay ku sameysay guddoomiyaha shaqada la eryay, balse markii dambe dib loogu celiyay shaqadiisa.

Goobjoog News