U bood dhigaalka

Gurmad Raashin Ah Oo Lala Gaaray Dad Ku Dhibban Baardheere

Sheeko:Dalka

Deeq lacageed oo ay iska soo uruuruiyeen Culimada iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta waxaa raashin loogu qeybiyey Boqolaal qoys oo kusoo barakacay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, kuwaasi oo markoodii hore ka kala yimid deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Baay iyo J/Dhexe, halkaa oo bilihii u dambeeyey ka cabanayey daruufo xagga nolosha ah.

Deeqdan Raashinka ah ayaa waxaa lasoo marsiiyay mid kamid ah hay’adaha ka howlgala degmada Baardheere, waxayna deeqdani ka koobneyd Bariis, Bur iyo Saliid.

Dadka la siiyey deeqdan ayaa ka koobnaa kuwa ku barakacay Abaaraha, kuna xoolo belay iyo kuwa kale oo waxsoosaarkii beeraha ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Abaaraha, waxaana goobtii lagu qeybinayey raashinka goob joog ka ahaa maamulka degmada, Culimada degmada iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha.

Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in gargaarkani raashiinka ah ee loo qeybiyey Barakacayaasha uu yahay kii ugu badnaa ee la soo gaarsiiyo deegaanka, wuxuuna ku amaanay Ganacsatada iyo Culimada Magaalada Nairobi sida ay jawaabta ugu bixiyeen baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la soo gaarsiiyey.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqey Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed ee degan gudaha iyo dibadaba  in ay ka qeyb qaatan gurmadka Bini’aadannimo ee loo fidinayo dadka ku barakacay abaaraha ee la daalaa dhacaya gaajada iyo xanuunka shubanka.

Goobjoog News