U bood dhigaalka

Halkee salka ku hayaa fashilka soo wajahaya diyaarada Ethiopia Airlines

Sheeko:Dalka

Diyaarada Ethiopian Airlines (EA) ee duulimaadkeedu uu yahay ET-3717, ayaa waxaa xayirad dhanka cirka ah ku sameeyay diyaaradaha dagaalka ee dalka Greece, kadib markii ay diyaaradda lumisay xiriirkii ay la lahayd dhulka iyada oo hawada ku jirta todobaadkaa.

Dhacdadaan ayaa durba soo shaac bixisay qaladaad ay galeen duuliyayaasha shirka duulimaadka Ethiopian Airlines iyo dhibatooyin ay diyaaradaha Itoobiya ay gaysteen mudda kooban gudaheed.

Oktoobar 15, 2022, Duulimaadka ET-3717, oo ay maamusho diyaaradda Ethiopian Airlines Boeing 767-300 ee xamuulka qaada taas oo ka  diiwaan gashan dalka Itoobiya, ayaa ka duushay magaalada Liege ee dalka Belgium, waxayna ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, Ethiopia, waxaana la soo wariyay in markii ay ka soo gudubtay hawada Croatia, ay lumisay xiriirka raadiyaha  diyaaradda.

Waxaana taas ay keentay in la baadi goobo diyaaradda, kadib markii ay xiriirka raadiyaha diyaaradda ay lumisay, muddo saacad ahna wax xiiriir ah aan laga helin.

Xarunta Hawlgallada Hawada ee Koonfurta Yurub – ayaa la siiyay inay joojiso duulimaadka ET-3717, sida lagu sheegay bayaan ay siisay AeroTime ee Ciidanka Cirka ee Hellenic.

Duulimaadka diyaaradda loo qorsheeyay inta aysan gaarin Addis Ababa ayaa ahaa in ay sii marto Bosnia iyo Herzegovina, Montenegro, Albania iyo Giriigga.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Cirka ee Hellenic ayaa AeroTime u sheegay in Duulimaadka ET-3717 lagu qabtay meel 10NM koonfurta ka xigta Jaziirada Kithira, taasoo dib loo soo celiyay isgaarsiintii idaacadaha ee diyaaradda iyo ATC.

Ugu dambeyn diyaaradda ayaa caga dhigatay magaalada Adis ababa oo ay u socotay kadib saacado jahwareer ah, lamana diiwaan gelin wax shil ah.

 August 15, 2022.  Waxaa la soo wariyay sidoo kale in diyaaradda Ethiopian Airlines oo uu duulimaadkeedu ahaa ET343, in ay iyada oo hawada ku jirta ay iska hurdeen duuliyayaasheedii.

Duulimaadka ET343 ayaa ka soo duushay magaalada Khartoum kuna sii jeeday Addis Ababa, waxaana ay ku socotay 37,000 cagood (FL370), markii labada duuliye ay seexdeen iyaga oo saarnaa qaybta diyaaradda laga wado.

Dhacdadaan ayaana halis gelisay dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda, waxaana markii dambe ay shirkaddu shaqada ka joojisay oo ay ruqsaddiina kala noqotay wadayaashii diyaaraddaas.

Waxaa sidoo kale horay u jirtay in diyaarad ay saarnaayeen rakaab oo ay leedahay shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines, in ay qaadday hub xilli ay dad rakaab ah wadday.

Dhammaan dhacdooyinkaan iyo kuwa kale oo jira ayaa badiyay shakiga iyo kalsoonida lagu qabi karo duulimaadyada shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines.

Goobjoog News