U bood dhigaalka

Hargeysa: Wariye Coldoon Iyo Agaasimaha Talefeshinka Start Oo Maanta La Maxkamadeynayo

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay kasoo muuqdaan Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo sidoo kale agaasimaha Tv-ga Star, Maxamed Baashi Xaaji Xasan.

Maxkamadda ayaa maanta qaadi doonta dacwadda Labadan wariye loo haysto, waxaana wariye Coldoon lagu eedeeyey inuu taageeray Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxayna ku sheegeen inuu yahay qaran dumis.

Agaasime Baashi ayaa isna waxaa lagu eedeeyey inuu kahor yimid heshiiskii Berbera ee Somaliland iyo sidoo kale Imaaraadka carabta.

Halka ay maxkamadeynta ka dhaceyso waxaa la filayaa iney tagaan wariyeyaal iyo sidoo kale ehlada Labadan wariye.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News