U bood dhigaalka

Haweney 21-jir ah ayaa Lagu Soo Eedeeyay Dhibaato Loo Geeystay Haweney Somaali ah Dalka Mareykanka.

Sheeko:War

Haweeney 21 jir ah ayaa xabsiga la dhigay iyadoo lala xiriirinayo gacan ka hadal rabshad wata oo dhacay magaalada Minneapolis maanta oo Sabti ah.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha Warfaafinta Booliska John Elder Waaxda Booliska Minneapolis waxay ka jawaabeen warbixin haweeney Soomaali ah oo ku jirta da’da 70-aad taas oo loo geeystay dhawacyo kala duwan.

Goobta Saraakiishii ayaa timid oo waxay arkeen haweeney da ’ah oo bistoolad lagu karbaashey xabadana loo adegsday iyo wax-yaabo kale oo aan faah faahin laga bixin kuwaas oo lagu weeraray, waxaana goobta laga helay nuucyo kamid ah haraadi waxyaabihii weerarka lagu fuliyay oo ay ku jiraan fuuqa xabadaihi, qof lagu tuhun sanyahay ayaa meesha ka fakaday waxaana uu qaatay boorsada dhibanaha oo ay kujirto lacagteeda kirada.

Dhibanaha ayaa isla markiiba loo qaaday Hennepin Health Care halkaas oo ay ka heshay daryeel degdeg ah si ay u badbaadiso nolosheeda. Dhaawacyadeeda waxaa ka mid ah madaxa oo jabay iyo maskaxdana dhaawacyo halis ah ayaa kasoo gaaray garaacista loo geesytay aw-geed iyo dhaawacyada rasaasta, sida ay booliisku sheegeen.

Wiil ay dhashay Maamada dhibanaha ah wuxuu sheegay in hooyadiis ay ka tagtay aqalkeeda oo ay tagtay bangiga si ay ula baxdo lacag kiro ah iyo in markii ay soo noqotay, uu maqlay rasaas ka socota dhismaha dhexdiisa.

Baarayaasha waaxda dhaca iyo dilka Minneapolis aya tilmaamay in baaritaano la xiriiro dhac-dadaan ay wadaan balse ay haayaam muuqaalo lagu aqoonsan karo tuhmane.
Si kastaba ha ahaatee Haweney 21 jir ah ayaa lagu eedeeyay falkaan in ay wax ka ogtahay waxaana loo taxaabay xabsiga, iyadoo wili baaaritaano dheeraad ah lagu haayo kiiskeeda.

Mawduucyada:Gobollada