U bood dhigaalka

Hay’adda Maaraynta Musoobooyinka oo ka digtay Roobab Daadad wata oo ka da’a gobalada Dalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda maaraynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa ka digtay daadad ka dhasho roobab todobaadkaan ka da’o gobalada dhexe iyo waqooyiga Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda ayay ku sheegtay in todobaadka saddaxaad ee bisha October ay saadaashu muujineyso in roobabka dayrta ay ka curanayaan gobalada waqooyiga, kuwa dhexe iyo koonfurta dalka.

Gobalada Togdheer, Nugaal, Sool, Mudug, Galgaduud, Koonfurta gobalka waqooyi galbeed, Koonfurta gobalka Bari, Bariga gobalka Bakool, laga filayo in ay ka da’aan roobab lagu qiyaasay 10-100(mm).

Roobabka gobaladaas ka da’ayo ayay sidoo kale hay’adda sheegtay in ay saadaashu tilmaamayso in ay ka dhashaan daadad xooggan oo saameyn ka gaysta gobaladaas.

Dhinaca kale hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay filayaan in roobab lagu diirsado ay ka da’idoonan gobalada Awdal, Gedo,Jubbada-dhexe, Jubbada-hoose, Shabeellaha-hoose, Shabeellaha-dhexe, Banaadir, in ay ka da’aan roobab aan saameyn badan lahayn oo oo lagu qiyaasay 01-30(mm).