U bood dhigaalka

Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka oo ka digtay Roobab daadad wata oo ka da’a Dalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda maaraynta Musiibooyinka ayaa ka digtay roobab dabaylo wato oo ka da’a qaybo kamid ah gobalada dalka inta lagu gudajiro todobaadka ugu horeya ee bisha December.

Digniinta ayaa lagu sheegay in roobabka haddii ay u da’aan sida ay saadaashu tilmaameyso in ay ka dhalan karaan fatahaado.

Gobalada Galgaduud, Shabeelada-dhexe, Shabeelaha-hoose, Bakool, Banaadir, Gedo, Jubada-dhexe, Jubada-hoose, qeeyba kamid ah gobalka Baay, qeeyba kamid ah gobalka Bari iyo qayba kamid ah gobalka Hiiraan, ayaa la sheegay in ay saadaasha muujineyso in ay ka da’aan roobab lagu qiyaasay 10-100(mm).

Dhinaca kale gobalada kale ee dalka ayaa la sheegay in ay isbuucaan ka da’ayaan roobab dadku ay ku diirsadaan kuwaas oo aan saamayn badan lahayn.