U bood dhigaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Oo Ka Digtey Xaalad Qatar Abaareed Ah Oo Dalka Kusoo Wajahan

Sheeko:Dalka

Hay’adda maareynta Musiibooyinka qaranka ayaa ka hadashay abaaraha ka jira dalka, iyadoo sidoo kale ka digtey in xaaladdu ay kasii darto haddii aanu roob di’in.

Madaxa dabagalka iyo kormeerka ee hay’adaasi Maxamuud Sheekh Xasan oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa tilmaamey in hadda ay billowdeen xoolihii oo abaarta u dhinta, haddii aan roob di’inna laga yaabo in dadka ay abaarta u dhintaan.

Wuxuu sheegay in marar badan ay ka digeen abaarta dalka kusoo noqnoqtay, balse ay muuqato in weli dalku aanu lahayn keyd lagu maareeyo abaaraha.

Waxa uu sheegay in baaq ay u jeediyeen maamul goboleedyada dalka ka jira, hay’adaha samofalka ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si ay dadkaasi ugu gurmadaan.

“Maamullada wey ogyihiin annagane baaq dheer baan soo jeedinney, marka hore abaar wey dhacday, abaartaasi saameynta inta ay la egtahay waa in la ogaado, waxqabadka Koowaad waa inaan u jeedinno baaq oo hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed qabtaan wixii ay awoodaan, maamulladana sidoo kale, dalka ma leh keyd dhaqaale, wadanka xilli qatar ah ayuu soo marey, waa wadan hadda Eber kasoo billaabay, doorashada iyo abaarta ayaa is waafaqay, hase ahaatee wixii loo baahnaa ama la dhihi karey waan dhahnay, balse waxaad moodaa in lagu guda jiro in wixii la qaban karo la qabto”

Maxamuud Sheekh Xasan oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri “Meelaha hadda ugu daran gobollada Koonfureed waa Gedo iyo Jubada Hoose, gobollada dhexe waa Mudug, Waqooyi Galbeedna waa Togdheer iyo kuwo kale, marka dedaal badan waa la wadaa, ka warqab la’aan ma jirto marka nabaad guurka dhirta ee dalka ku dhaceysa ayeey abaarta sii nugleysay, haddii bilahan aysan di’in roobka waxaa laga yaabaa in dalka xaalad degdeg ah uu galo oo mushkiladda intaan kasii badnaato, dadka hadda xoolahoodii dhimashada billaabeen waxay ku xigaya dadka marka taas ayaa laga baqayaa”

Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka jirta abaar baahsan  oo saameyn ku yeelatay dadka iyo diinyada, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News