U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Xafiis Ka Furatay Degmada Buulo-burde Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada ayaa markii ugu horreysay waxay xafiis ka furatay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda lagu daah furayey xafiiskan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada Buulo-burde iyo mas’uuliyiin ka socday hay’addan.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdi Daahir ooo xarigga ka jaray xafiiskaasi ayaa u mahadceliyey madaxdii ka socotay hay’adda socdaallka iyo jinsiyadaha, wuxuuna sheegay in shacabka degmadaasi ay baahi weyn u qabeen helista adeeggan.

Shacabka degmada Buul-burde ayaa iyaguna dhankooda sheegay in hadda ay ka nasan doonaan u safrista magaalooyin kale, islamarkaana u sahlanaatay helista Baasaboorada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News