U bood dhigaalka

Hay’adda SODMA oo Kulan U Qabatay Wasaaradaha Bini’aadanimada Maamul Gobaleedyada Dalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa kulan xog wareysi ah u qabatay wasaaradaha arrimaha bini’aadantinimada iyo maareynta musiibooyinka ee dowlad goboleedyada Jubbaland, Puntland Koonfur Galbeed Galmudug iyo Hirshablle. Kulanka oo noociisa ahaa ayey hey’adda iyo maamul goboleedyada ku gorfeeyeen xaaladaha bani’aadanimo ee jira iyo dadaallada wax ka qabashada ee socda, waxaana la adkeeyey wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hey’adda SODA iyo maamul goboleedyada.

 

Dhankooda xubnaha ka socday maamul goboleedyada ayaa soo dhoweeyey dib usoo celinta hey’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed iyaga oo ballanqaaday wadashaqeyn buuxda.

 

Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macalin oo shirka ka hadlay ayaa ka digay xaaladda banii’aadnnimo isaga oo yiri” Heerka halista cunno yarida ah ee jirta waxaa loo badinayaa in ay kasii darto, oo khatarta macluushana waa mid taagan, sidaa darteed waa muhiim in la kordhiyo kaalmada banii’aadnimo, si aan u sameyno damaanadqaad la xiriira dhaqdhaqaaq degdeg ah kahor inta aaney isku badalin macluul daran”.

 

Xaaladda banii’aadnimo ayaa gaartay heerka ugu sareysa iyaga oo aaney di’in afar xilli roobaad, taasi oo sababtay in ka badan 7.7 milyan oo qof ay u baahdaan gargaar bini’aadantinimo iyo daryeel, oo in ka badan 3 milyan oo dadkaasi ka ahi ay qabaan baahi adag, oo naf badbaadin degdeg ah u baahan halka ay nafaqo darradu cirka isku sii shareereyso, oo waxay gaartay heerar degdeg ah meelaha qaar, gaar ahaan dadka gudaha ku barakacay.

 

Ilaa 400,000 oo carruur ah ayaa waxaa heyso xaalad nafaqo darro ah, kuwaas oo 100,000 ka mid ah ay heyso nafaqo darro aad u daran. Ku dhawaad ​​hal milyan oo qof ayaa ku barokacay abaaro iyo colaado tan iyo bishii Nofembar 2021, inta badana waxay ka soo qaxeen miyiga oo ay tageen xarumaha magaalooyinka. Tirada dadka ku barakacay Soomaaliya ayaa hadda kor u dhaaftay laba milyan.

 

Wasiir Caruush oo ka tirsan Koonfur galbeed ayaa waxaa khudbadiisa ku xusay in faragelinnada iyo heerka ka jawaabista aaney xal u noqon karin dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahanyahay xal dib u kabasho ah, oo lagu dhimayo khatarta. “Maadaama aanu nahay dad u dhaqdhaqaaqa arrimahan, waxaan ugu baaqeynaa Soomaalida dal iyo dibadba in ay dadkooda taageeraan waqtigan adag, oo hadda wax laga qabto inta aaney xaaladda kasii darin” ayuu intaa raaciyey.

 

Gabagabadii shirka waxaa lagu ballamay in madal kale oo looga hadlayo arrimaha banii’aadnimada la isugu soo noqdo horraanta Oktober ee isla sanadkan iyada oo ay kasoo qeybgali doonaan dhammaan wasiirrada iyo hey’adaha kala ee daneeya arrinkan.